7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 31, 2021
Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay doorashooyinka Somaliland
 

Isniin, May, 31, 2021 (HOL) -  Iyadoo saakay aay u dareereen Shacabka Somaliland goobaha doorashooyinka Baarlamaanka iyo Golayaasha deegaanka ayaa waxaa fariin hambalyo iyo dardaaran isugu jirta u diray shababka Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa si weyn ugu amaanay shacab weynaha Somaliland dulqaadka iyo sida hufnaanta leh oo aay uga shaqeyaan arrimaha horumarinta deegaanadooda iyo doorashooyinka Somaliland.

"Waxaan rabaa inaan u hambyeeyo doorashada shacab weynaha Somaliland oo bilaabaneysa maanta oo ah 31-ka bisha May, waxan ku faraxsanahay sida dulqaadka, ilbaxnimada leh iyo waaya aragnimada aay ku jirto oo aay ugu dareereen shacabka doorasho xor iyo xalaal ah oo tartan furan uu ku jiro" ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.

In ka badan hal Milyan oo ruux ayaa u dareeraya goobaha cod bixinta, waxaana cod bixinta doorashooyinka aay ka dhaceysa sadax kun oo goobood oo ka mid ah 22 degmo oo santuuqyada codbixinta la geeyay.

Raysal wasaare ku xigeenka Mahadi Guuleed ayaa sidoo kale kula dardaaray shacab weynaha Soomaaliyeed iney cashar kaga bartaan hanaanka iyo hufnaanta doorasho ee shacabkaasi sida xornimada leh aay u doortaan masuulkii aay doonayaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]