7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 31, 2021
Hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan oo digniin adag u diray Xildhibaanada lagu dooran doono Baledweyne
 

Isniin, May, 31, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sheegay iney si weyn usoo dhaweynayaan in kuraasta Xildhibaanada reer Hiiraan lagu dooranayo lagu qabto gudaha magaalada Baledweyne.

Jenaraal Xuud ayaa sidoo kale sheegay iney diyaariyeen ciidamadii sugi lahaa amaanka goobta aay ka dhacayso doorashada kuraasta Xildhibaanada Fedaraalka ee magaalada Baledweyne, islamarkaana digniin adag hawada u mariyay shaqsiyaadka doonaya in loo doorto Xildhibaanimada.

" Waxaan u digaya shaqsiyaadka doonaya iney noqdaan Xildhibaano matalaya gobolka Hiiraan iney isku soo haleeyaan lacagaha aay wataan oo aay doonayaan in lagu doorto taasi way dhamaatay Hiiraan waxaa ka dhici doonta doorasho xor iyo xalaal ah oo aanan wax laaluush ah lagu bixin doonin, qofkii isku daya inuu laaluush bixiyana ciqaab adag ayuu la kulmi doona" ayuu yiri Jeneraal Abuukar Xuud.

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa hubeysan ee la baxay Golaha Kacdoonka Hiiraan ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda dowladda inaanan Baledweyne looga baahneen ciidamada Haramcad oo aay iyaga isku filan yihiin, isagoona Raysal wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday inuu tixgaliyo rabitaan reer Hiiraan.

Hadalka hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan ayaa imaanaya iyadoo madaxda dalka isla afgarteen in dalka aay ka qabsoonto doorasho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]