Dibadbax lagu taageerayo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka dhacay Magaalada Jigjiga
Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Waxaa maanta galinkii hore Jigjiga ka dhacay banaanbax lagu taageerayay Abaal marintii la siiyay Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed, banaanbaxan oo dadku isugu yimaadeen Garoonka Kubadda cagta ee Jigjiga ayaa waxay dadku wateen calamada degaanka iyo dalka, iyo waliba boodhadh ay ku qornaayeen hal ku dhegyo muujinaya taageerada shacabku u hayaan Abyi Axmed.
Haddaba
banaanbaxan ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda degaanka u saraysa sida
Madaxwaynaha DDS Mustafe cagjar iyo ku xigeenkiisa Adan Faarax, Odayaal dhaqameedka degaanka, Hooyooyin aad u badnaa iyo marti sharaf kale.
Madaxwayne
Mustafe cagjar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dadka maamulkiisa
dhaliishan ay imaan karaan degaanka oo ay doodooda si xor ah Warbaahinta
degaanka uga hadli karaan, balse ma aha ayuu yidhi in degaanka meelo ka
baxsan laga hadlo maadaama aysan jirin wax dhib ah oo degaanka ka jirta
oo u diidaysa inuu qofku degaankiisa yimaaddo.
Mar
uu ka hadlayay arrinta Gobolka Sitti ee ay dhibaatadu ka jirto ayuu
sheegay Mustafe cagjar in arrintaas dilka lagu hayo Soomaalida ay wax ka
qaban doonaan balse ma caddayn siday wax uga qaban doonaan.
Hadallada
Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa u muuqday kuwo jilicsan siiba markuu ka
hadlayay dhibaatada ka jirta Gobolka Sitti, dadka deggan meelaha ay
dhibaatadu ka jirto ee Gobolka Sitti ayaa u baahan gurmad degdeg ah oo
dhanka dawladda, balse ilaa iyo hadda ma jirto gacan dawladeed oo
dadkaas dhibaataysan lagaarsiiyay.
Guud
ahaan jawigii goobta ee maanta ayaa ahaa mid deggan iyadoo ay ammaanka
goobta ay sugayeen Ciidamada gaarka ah ee degaanka oo ay kamid yihiin
Ciidanka Kamaandoosta oo si adag u sugayay amniga.
Banaanbaxan
lagu taageerayay abaal marintii dhanka nabadda ee lasiiyay R/wasaaraha
Itoobiya Abiyi Axmed ayaa sidoo kale ka dhacay degaannada dalka
Itoobiya.