Axad, October,13, 2019 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqul Aadanaha Marwo Deeqo Yaasiin ayaa maata oo Axad ah magaalada Muqdisho uga dhawaaqday daah furka diyarinta sharciga Naafadda Qaranka oo qeyb ka ah balanqaadyadii Soomaaliya ee ku xusnaa Qarramada Midoobey ee Naafadda.
newsinsideSharcigan ayeey sheegtay Wasiirku diyaarinta sharciga caalamiga ah ee Qarramada Midoobey uu fure u yahay sugida iyo dadaallada kor loogu qaadayo Xuquuqda dadka Naafadda ah.
''Balanqaadyadeena ah in aan hormarino oo aan ilaalino Xuquuqda Dadka Naafadda ah waa mid aan kala go'laheyn, Maanta waxaa bilaabeynaa cutub cusub oo ku saabsan Xuquuqda dadka Naafadda ah '' ayaa lagu yiri Bayaan ka soo baxay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa intaa ku dartay in dadka Naafadda ah ay si buuxda qeyb uga noqon doonaan diyaarinta Hindise Sharciyeedka si loo hubiyo la haanshahooda buuuxa iyo Ixtiraamka Mabaa'diida Aas-aasiga ah,'' Waxba ma dhacayaan iyada oo aan laga tala-galin dadka Naafadda ah.
Munaasabada lagu soo bandhigay qorista Hindise Sharciyaadka Qaran ee Naafadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay oo goob joog ka ahaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Dowladda Federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa, qaar ka mid ah Ururada dadka Naafadda ah iyo dad kale oo socda qeybaha kala duwan ee bulshada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]







