4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Madaafiic lagu weerarray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho

 

Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro hoobiyeyaal ah oo ku dhacay agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan Xarunta AMISOM ee Xalane.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa 7 ruux ay ku dhaawacmeen madaafiicdan qaar ka mid ah gudaha ugu dhaceen Xarunta Xalane

Ma aha markii ugu horeysay ee madaafiic hoobiyaal ah lagu weeraro xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay'addaha Amaanka Dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM midna oo la xiriira madafiicdan maanta lagu weeraray Xarunta Xalane oo ay degan yihiin inta badan saafaraddaha iyo Hay'addaha shisheeye  ku sugan dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]