4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Mooshin ka dhan ciidamada Kenya oo la horgeynayo Golaha Shacabka Soomaaliya

 

Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu yahay kulanka ugu soo horreeya ee Golaha Shacabka la horgeyn Mooshin ka dhan ah ciidanka Kenya ee  ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Sakariya Maxamuud Xaaji Cabdi oo kamid ah Xildhibaannada  Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya looga baahan yahay  in ay ka hadasho daan daansi iyo xad gudub uu sheegay inay Kenya ku  heyso Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Kenya ay tahay dowlad weerar ku ah Soomaaliya,isla markaana mooshin ka dhan ah Ciidamadeeda jooga Soomaaliya uu yaallo Baarlamaanka Soomaaliya kana doodi doonaan.

Aadan Barre Ducaale oo ah guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in loo baahneyn in si gaar ah ciidamada Kenya farta loogu fiiqo madaama ay ka mid yihiin howlgalka midowga Africa AMISOM xili uu khudbad ka horjeedinayay munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]