Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Ugu yaraan 10 Askari oo Kenyan ah ayaa lagu waramayaa in lagu dilay qarx miino oo ka dhacay Sabtidii shalay deegaan duleedka ka ah maagalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.
newsinsideQaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa lagula eegtay Kolonyo ka mid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya ee Koofi Casta,xilli ay marayeen deegaanka Cabdi Sugeey kana soo baxeen deegaanka Xaar-xaar oo ku yaalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen weerarkan miinada ah,ayna ku dileen toban askari. Waxaana sidoo kale warkan baahiyay warbaahinta dalka Kenya.
Sidoo kale ururka Alshabaab ayaa sheegtay in ay maanta weeraro qaraxyo miino ah ay la eegteen ciidamada dowlada duleedka degmada Balcad iyo deegaanka Warmaxan ee degmada Wanlaweyn.
Wararkii ugu dambeeyey ee Maanta aan ka heleyno deegaankii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay wadaan dhaq dhaqaqyo Ciidan,isla markaana Gaadiidkii ka shaqeynayey deegaano ka tirsan Magaalada gaarisa uu hakad ku jiro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]