4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 13, 2019
Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta kulan yeelanaya

 

Axad, October, 13, 2019 (HOL)-Magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeeshaan kulankii 1aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka.

Kulankan ayaa waxaa Shir guddoomin doona Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan,isla markaana waxaa ka soo qeyb-galaya  kulankaas inta badan xubnaha Guddiga joogtada.

Ajandaha kulanka ayaa ah Dajinta Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan Furmay.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Soomaaliya ayaa inta uu socdo kulankooda waxaa ku dejin doonaan  Ajendayaasha Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo dhawaan lagu wado  inuu furmo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa dhawaan si rasmi ah u Kalfadhiga 6aad Baarlamaanka  Soomaaliya ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]