4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Taliyaha guud ee ciidanka AMISOM oo booqanaya Kismaayo xilli ay xiisad taagantahay

Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Taliyaha guud ee ciidammada Amisom , Tigabu Yilma ayaa lagu wadaa Talaadada berri ah inuu booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee saldhigga u ah maamulka Jubbaland.

Booqashadan ayaa ku soo aadday xilli ay magaalada Kismaayo ka taagantahay xiisad ku dhaxeysa ciidammada Amisom ee ku sugan xarunta gobolka Jubbada hoose.

Sidoo kale, waxaa maanta laga celiyay Kismaayo diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Itoobiya ,kaddib markii maamulka garoonka uu sheegay inaysan heyn warbixin la xiriirta diyaaraddaha oo la sheegay inay la socdeen askar ka tirsan ciidammada gaarka ah ee Itoobiya, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ah.

Isku-dey ay ciidammada Itoobiya ku doonayeen inay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa sidoo kale waxaa hor istaagay ciidammada Kenya ee qaybta ka ah Amisom.

Arrimahan oo dhan ayaa ku soo aaddaya xilli ay Kismaayo diyaar garow doorasho ku jirto, wallow hannaanka ay ku socoto doorashadda ay diiddan tahay dowladda Federaalka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]