
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay Kal-fadhigii 4aad ee Golaha Xildhibaannada DDS, Kal-fadhigan ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaanada DDS.
newsinsideHaddaba Kal-fadhigan oo uu furay Afhayeenka Golaha
Xildhibaannada Cabdi Maxamed ayaa waxaa xildhibaannada loo qaybiyay
ajandayaasha kal-fadhigan oo ahaa laba Bayaan kuwaas oo kala ah Ka
doodista iyo ka wada hadalka bayaanka dib loo habeeyay ee bayaaminta
qaab dhismeedka Awoodaha iyo Waajibaadka Xafiisyada fulinta. iyo
bayaanka dib loogu Aas-aasayo Maxkamadda Shareecada Islaamka ee DDS.
Intaa
kaddib waxaa la go'aamiyay in maalinimada barri la isku soo noqdo
iyadoo Xildhibaannadu ay kasoo fikiri doonaan ajandayaasha Kal-fadhigan.
Ammaanka
magaalada Jigjiga ayaa intii uu Kal-fadhigu socday aad loo adkeeyay,
iyadoo goobta uu Kal-fadhigu ka socday Ciidan tiro badan oo Booliska
gaarka ah ee DDS lagu soo daadiyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]