4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Puntland oo la-dagaallamaysa khamriga

Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Ciidammada amniga Puntland ayaa howlgallo kala duwan oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Puntland waxaa ay gacanta ku soo dhigeen maan-dooriyaha khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay.

Howlgal ay ciidammada ka sameeyeen magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso ayaa lagu soo bandhigey khamri iyo dadkii ka ganacsan jirey oo isugu jira rag iyo dumar.

Taliyaha qaybta booliiska Boosaaso, Gaashaanle sare Xuseen Cali Maxamed oo ka hadlayay goob fagaaro ah oo maanta Khamriga lagu burburiyay ayaa sheegay in magaalada Boosaaso iyo deegaannada kale ay weli ku harsan yihiin dad ka ganacsanaya,sidoo kalena isticmaalaya,kuwaas oo noocyo kale duwan leh.

Dadka ka ganacsanayay khamriga ayaa la horgeeyay maxkamadda derejada 1aad ee gobolka Bari.

Sidoo kale, deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa cabasho ka soo gudbiyey ka ganacsiga khamiriga , waxaana deegaanno ay ugu horreyso magaalada xarunta ah ee Gaalkacyo ka billowday howlgallo lagula dagaallamayo khamriga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]