4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Ciidamada Booliska oo qabtay Xashiishad iyo Jaad loo waday maxaabiista ku jirta jeelka Hargeysa

 

Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay  in ay ciidamada gacanta ku dhigeen Xashiishad lagu soo qariyay Qaad, taasi oo la doonayay in la galiyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

''Ciidanka Boolisku waxay habeen iyo maalinba ku jiraan heegan, kana hawl-galaya inay sugaan nabadgeliyada iyo amniga, sidoo kalena la dagaalamaya mukhaadaraadka dhammaan gobolada dalka hawlgalkaasi ka socdo, ciidamada boolisku waxaa ay ku guuleysteen xidhmooyinka xashiishad ah oo lagu soo dhex qariyey qaadka oo loogu tallo galay in loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa, loogana tuuro daarada, kadibna ciidamadda amaanka ee roondada sameynayay ayaa gacanta ku soo dhigay”ayuu yidhi taliye ku xigeenka booliska Fooxle. 

Waxaanu intaas ku daray “Waxaana lagu hayaa laba eedeysane, labadii eedeysanana gacanta ciidanka ayay ku jiraan sharciga ayaana la hor keeni doonaa, sidoo kale laba saldhig oo ciidamada booliska ayaa ku guuleystay inay qabtaan xashiishado daroogooyin Baco lagu soo xidhay oo raashinka Maxaabiista la soo hoos galiyay, tani waa mid aan ku amaanayo ciidamada Booliska, wey ku guuleysteen waana laba ka mida Saldhigyadda ciidamada”

Xashiishadan ayaa loo waday maxaabiista ku jirta jeelka, kuwaas oo xiitaa Jaadku mamnuuc ka yahay in maxaabiista loo keenno.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.