4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Wasiirka Arrimaha Dibadd Qatar oo Muqdisho soo gaaray


Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Qatar Ahna wasiirka Arrimaha Dibadda , Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa goor dhow soo gaaray caasimadda Muqdisho .

Wafdiga ayaa kullan la leh Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre , iyada oo la sheegay kullamada in diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

Ma cadda ujeeddada booqashada wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar, waxaana socdaalkan lagu sheegay wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda Qatar oo Muqdisho soo gaaray muddooyinkii u dambeysay.

Dowladda Qatar ayaa xoojisay xiriirka iyo iskaashiga ay la wadaagto Soomaaliya sannadihii u dambeeyay, waxaana dalka yar ee khaliifka ku yaalla uu sameeyay ballanqaadyo waa weyn oo dib u dhiska dalka iyo hay’addaha dowladda la xiriira.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]