3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2019
Khilaaf hoose oo u dhexeeyay madaxweyne Deni iyo ku-xigenkiisa oo soo shaac baxay

Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa ka soo horjeestay guddiga ku-meelgaarka ah ee uu dhowaan magacaabay madaxweynaha Puntland.

Karaash wuxuu sheegay inuusan madaxweynaha wax la-tashi ah kala sameyn magacaabiista guddiga, wuxuuna ku tilmaamay hannaanka magacaabiista guddiga inay ka soo horjeedo dastuurka.

"Waxaa caddaynayaa in xeerkani yahay waxba kama jiraan maadaama uu khilaafsan yahay dastuurka dowladda Puntland iyo lifaaqa 1aad ee dhismaha guddigan." ayaa lagu yiri qoraal uu ku saxiixna madaxweyne ku-xigeenka oo ay baahisay warbaahinta gudaha.

Guddiga ku-meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ka kooban sagaal xubnood oo afar ka mid ah uu magacaabo guddoonka Baarlamaanka, halka shanta kalena uu magacaabo madaxweynaha.

Diidmada madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash, ayaa dib u xasuusinaysa sida uu wax ugu dhimay wada-shaqeyntii u dhaxeysay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas iyo ku-xigeenkiisii Camay, oo sidan oo kale ka horyimid guddigii uu magacaabay Cabdiweli Gaas ee doorashooyinka.

Hoos ka akhri qoraalka M. ku xigeenka Axmed Karaash;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]











Click here
8/19/2019 2:11 PM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Taliyaha guud ee ciidammada Amisom , Tigabu Yilma ayaa lagu wadaa Talaadada berri ah inuu booqasho ku tago magaalada Kismaayo ee saldhigga u ah maamulka Jubbaland.

8/19/2019 1:12 PM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islaaw oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan.

8/19/2019 1:05 PM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Guddiga Doorashada madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu danbeyntii ku wareejiyay guddoonka cusub Baarlamaanka inta dhisman hannaanka doorashada ee madaxweynaha Jubbaland

8/19/2019 12:32 PM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

8/19/2019 11:47 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

8/19/2019 11:35 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Jaaliyadda Puntland ee gobolka Ohio ayaa qabtay xaflad loogu dabaaldagayay sanadkuuradii 21aad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Maamulka Puntland ee dalka Soomaaliya.

8/19/2019 10:14 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo guuto Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in ay ciidamada gacanta ku dhigeen Xashiishad lagu soo qariyay Qaad, taasi oo la doonayay in la galiyo xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

8/19/2019 8:38 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Wasiirrada dekadaha Soomaaliya iyo Qatar, Maryam Aweys Jaamac, iyo Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti ayaa si wadajir ah maanta u shaaciyay in la billaabayo dhismaha dekadda Hobyo ee goblaka Mudug.

8/19/2019 8:37 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay Kal-fadhigii 4aad ee Golaha Xildhibaannada DDS, Kal-fadhigan ayaa waxaa kasoo qayb galay Xildhibaanada DDS.

8/19/2019 7:39 AM EST
Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa shalay lagu soo gabagabeeyey tartan kubadda Cagta ah ee d’a yar Soomaali ah ugu socday magaaladaas,

8/19/2019 7:23 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

8/19/2019 7:14 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka dalka Qatar Ahna wasiirka Arrimaha Dibadda , Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa goor dhow soo gaaray caasimadda Muqdisho .

8/19/2019 5:07 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Degmada Jalalaqsi waxaa meel wanaagsan maraya dhismaha Masjid Jaamaca ugu weyn guud ahaan marka la eego deegaannada Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiran.

8/19/2019 3:24 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Ciidammada amniga Puntland ayaa howlgallo kala duwan oo ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Puntland waxaa ay gacanta ku soo dhigeen maan-dooriyaha khamriga iyo dadkii ka ganacsanayay.

8/19/2019 1:40 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha hoose.

8/19/2019 1:28 AM EST
Isniin, Augusto, 19, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo maalintii shalay gaaray dalka Jabuuti, ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la yeesho dhiggiisa dalkaasi madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.