Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) - Shirkadaha Duulimaadyada Jubba iyo Daallo
ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan eedeymo muddooyinkii u
dambeeyay loo jeedinayay.
Warsaxafadeedka ayaana u qornaa sida
Hoose:-
WAR
SAXAFADEED: KU ADAN ARIMAHA XAJKA
Anagoo ah shirkaddaha Jubba Airways
iyo Daallo Airlines waxaan dadka Somaliyeed usoo bandhigayna arimo dhowr ah:
- Dadaalka iyo doorka ay labadda shirkadood ka soo
qaateen samata bixinta iyo u adegida ummadda Somaliyeed mudadii ku dhowayd
30 sano ee wadanka iyo dadku ku jireen marxaladaha adag iyo duruufaha qalafsan.
- Sida shirkaduhu u joogteeyeen gudashadda Xajka iyo
Cimradda, howshaana uga so bexeen si hufan iyo si ceeb la,aan ah oo cid
kasta oo caqli fayoow oon ujeedo kale lahayn ay qirtay kana markhaati
kacday
- Shakhsiyaad qaarkood oo masuliyad iyo xasaanad
qaran leh oo war ay kaga been sheegayaan xaaladda dhabta ah ee shirkadduhu
u fuliyaan shaqadda Xajka ku baahiya warbaahinta, iyado ujeedadooda dhabta
ahi ay tahay (KU QABSO KU QADI MAYSIDE).
- Shirkaddo iyo dilaaliin aan haysan awood iyo fasaxyo ay
ku fuliyaan adeega iyo dulimaadyada Xajka iyo kuwa kale ee calamiga ah
kuwaas oo raba in si khasab ah howlahas 27ka sano shirkaduhu maal iyo
tacaba usoogelinayeen in si howl yar lo siiyo. iyaga oo isticmaalaya wax
kasta oo laga xishoodo
Waxaan si kooban u faah faahinaynaa
qodobadda kor ku xusan:
- Haddii lagu sheegi wayo waa lays sheegaa. Qof kasta oo
somaliyeed waa ogyahay doorka shirkaddaha Daallo iyo Jubba kasoo qaateen ,
samata bixintii iyo kasoo kabashadii burburkii ku dhacay dadka Somaliyeed
meel kastaba ha joogeene. Adeega dulimadyada ee rakaabka iyo shixnadaha,
gudashada wajibaadka Xajka iyo Cimradda. Waxay labadda shirkadood qayb
libaax ka qateen oo tariikhda ku cad:-
A- kobcinta dhaqalaha iyo shaqa
abuurka dadka
B-waxbarashada
C- Caafimaadka.
D- siyaasadda iyo dib udhiskii dowladnimo
Sidookale shirkaduhu waxa ay kusoo
shaqeeyeen marxalado aad uadag oo qatartooda leh iyaga oo kuwaayey xubno sar
sare oo laf dhabar uahaa iyo hanti aan lasoo koobi karin
Shirkaduhu waa dhaxal umadeed, waxaa
wajib ah in siyasadda dalku ilaaliso oo dhiiri geliso markasta. Waxaanu ku
dardaarmeynaa qof kasta oo masuul ah iyo dowladduba in tacabka laga mira
dhaliyay ee la joogteeyay mudada dheer la garab istaago, kuwa cusubna loo
abuuro jawi iyo duruufo ay ku hirglaan.
- Waxaanu ummadda Somaliyeed iyo cid kasta oo danaynaysa
arimaha Xajka iyo Cimradda manta halkan ugu cadaynaynaa, iyadda oo
shirkaduhu ku shaqaynayeen xalad qalalase oo mararka qaar galaafatay naf
iyo maal , shirkadahana gaarsiiyay dhawacyo iyo dhibatooyin laf jab ah,taas
oo jirta ayey shirkaduhu howsha uga soo baxeen si hufan oo ceeb la’aan ah.
wasaaradda Xajka ee boqortooyada Sucuudigu waxay qirtay in Somaliddu ka
horumarsantahay xagga adeega Xajka dalal badan oo dhaqaale iyo maamul
dowladeed oo adag leh. Waxana amaantaa leh, Wasaaradda Diinta iyo Awqafta
ee somaliya, Safaradda, qunsuliyadda, bicsadda, iyo shirkadaha oo iska
kashaday. Waxaan idiin soo ban dhigidoonaa insha alaah shahado sharaf
aykumuteysteen howl wanaagii ay muujiyeen shirkadaha
Somaliyeed.
- Waxaan halkan idiinku sheegayna shaqsiyaad musuuuliyad
qaran iyo xasaanad leh oo ummaddu u igmatay inay ka saran halaaga iyo
dhibaatada adag ee ay ku jirto inay shaqo ka dhigteen olole been abuur ah
oo lagu dhabarjebinayo shirkadaha ay masuuliyaddu farayso inay tabantaabiyaan.
Waxay sheegan in xujaydda aan la siin adeeg fiican, lagana qaado sicir
qaali ah. Waanu beeninayna, warkooduna wa fadeexad iyo ujeedo kale iyo
dano shakhsi ah. Waxa hubaal ah in baroortu orgiga ka weyntahay. (Wa ku
qabso ku qadi mayside.) Wadanka Somaliya weli shirkadaha caymiska waxa uu
ugu qoranyahay goob dagaal, waxaana shirkaddaha laga qaada kharash caymis
oo afar jibaaran, dulimaadyadda Xajku waa dulimaadya khaas ah, sida Kenya
ama dalalka kale Xujayda lama saaro dulimaadyo caadi ah (Schedule flights).
Sida darted dulimaad kasta oo xaji waa laba jeer ( Two Rotations).
Shidaalku wa qaali, kharashaad dul saar ah oo badana wey jiraan. Sucuudigu
sanadba sanadka kadanbeeya waxaa kordha kharashaadka xajka, kirooyinka iyo
maceeshadda oo dhan. qofkii xogogaal uahi wuu ogyahay sicir bararka iyo
samaynta barnaamijka Sucuudigu ka leeyay Xajka iyo Cimradda oo si gaar ah
usoo kordhiya kharashaad joogto ah,iyada oo ay jiraan duruufahaas
shirkaduhu waxay ku dadalayaan in sida ugu jaban ee surta gal ah Xujeyda ayugu
shaqeeyaan.
- Shirkaddo iyo dilaaliin aan haysan awood iyo fasaxyo ay
ku fuliyaan adeega iyo dulimaadyada Xajka iyo kuwa calamiga ah oo raba in
si khasab ah howlihii 27ka sano shirkaduhu maal iyo tacaba geliyeen in si
howl yar lo siiyo. Shirkado iyo dilaalin isticmalaya wax kasta oo laga
xishoodo. Waxay siyasadeeyeen oo ka been abuureen xaladda rasmiga ah ee
Xajka. iyaga oo dadka usheegaya hadalo xaqiiqda kafog abuurayana qal qal
iyo deganaansho la,aan.Ma jirto cid gaar ah oo Xajku u xiranyahay, shirkad
kasta oo muwadin ah oo buxin karta shuruudaha dulimaadka, iyo heshiisyada
caalamiga ah. Lehna taarikh iyo rikoodh howl fulineed iyo aminaad. Waxa
ufuran kaqeybgalka tartanka howlaha xajka. waxaa xaraan ah in si anshax
xuma ah oo nidaamka baal marsan lagu burburiyo shaqo dhisan oo lagu tabcay
duruufo adag.
NB: Waxa lacag meyrista
loola dagaalama si tacabka iyo dadaalka soo jireenka ah aan si fudud loogu
burburin nidaam aan haboonayn iyo lacag aan dariiqii saxda ahaa lagu kasbin
Gabogabo:
Jubba iyo Daallo waxay balan
qadayaan iyaga oo kaashanaya dowladda, shacabka iyo shirkadaha kale ee Iyana ku
howlan adeega iyo u khidmaynta xujeyda Somaliyeed ee gudanaya wajibaadka Xajka
ugu adeegayaan sida ugu fiican uguna surtagalsan , si naxariis iyo uturidi
ku jiro
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]