4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
Cali Jeyte “ Dhaqaalaha laga qaado gobolka Hiiraan shaqsiyaad gaar ah ayaa Akoonno ku shubta

 

Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) - Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha uu uga biyo diiday in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.

Cali Jeyte ayaa sheegay in is faham la’aanta u dhaxeysa isaga iyo Hirshabeelle ay ka dhalatay maamulka maamuliyada gobolka oo sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaad gaar ah Akoonadooda lagu shubo.

‘’Waxa leysku hayo ma’aha yaa guddoomiye ah, Anniga ayaaba hadda kuu cadeynaya gobolka waxaa guddoomiye ka ah Cabdullaahi Sufuroow mas'uulka cusub ee la soo magacaabay, laakiin mashaakilka taagan ayaa ah sida la doonayo in loogu takiri falo lacagaha gobolka ka soo xarooda oo shaqsiyaad gaar ah Akoonadooda isaga shubtaan, Annigu ma’aqaanno sida lacag aan miisaaniyad la aheyn loo maamul, waana sababta keentay in  xilka leyga qaado’’ ayuu yiri Cali Jeyte.

Maamulka Hirshabeelle ayuu ku eedeeyay in aysan u maamulin lacagta laga qaado gobolka sidii saxda aheyd ee loo baahnaa isaga oo sheegay in mudaddii Lixda bilood aheyd ee uu xilka hayay ku shaqeynayeen dhaqaale la’aan.

‘’Lixdaa bilood aan xilka hayay waad ogtihiin howl badan ayaa la qabtay, waxaa ka mid ahaa howlgalka socday muddo 10 cisho ah oo lagula dirirayay Al-shabaab, maalin kaliya xitaa ma dhicin in adeeg umaddeed iyo adeeg bulsho midna dhaqaalahaa in loo isticmaalo, Jid nalooguma dhisin, Dal kuma aanan xoreysan, Mishaar kuma ayeynaan bixin, sidaa daraadeed waa in la xisaabtamaa ka hor inta aan xil wareejin lagu mashquulin’’ ayuu yiri Cali Jeyte.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayuu sheegay in uu kala hadlay arintan, gaar ahaan madaama mas’uuliyadii laga wareejiyay looga baahan yahay maamulka Hirshabeelle in ay bixiyaan dhaqaalaha lagu leeyahay xafiiska mudaddii Lixda bilood aheyd ee uu maamulayay.

‘’Madaxweynaha waan u sheegay waxaa ku iri xilkii haddii aad qof u magacaawday dhib malaha, laakiin waxaan u baahannay xafiiskaa intaa baxaadiisu la eg tahay ee muddada Lixda bilood ah aan maamulayay wixii dhaqaale ah ee lagu yeeshay in aad bixisaan, arintaa meel mar waa ay noqon weyday, waana tan keentay in aan ka hadalno wixii dhaqaale ahaa gobolka laga qaday in naloo sheego waxa lagu qabtay iyo halka ay mareen’’ ayuu yiri Cali Jeyte.

Horey ayuu sheegay in ay u dhacday sidan oo kale waqtigii uu madaxweynaha ka ahaa Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosbole oo markii aan kala hadlay ku takri falka dhaqaalaha laga qaado bulshada gobolka sababtay in xilka aan ku waayo ayuu yiri Cali Jeyte.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay eedeymo culus oo loo jeedinayay maamulka Hirshabeelle oo la xiriira habka loo isticmaalo lacagaha ka soo xarooda gobolka Hiiraan oo la sheegay in ay ku dhacdo Akoonnada shaqsiyaad gaar ah oo ka tirsan maamulka, laakiin aan la marin wax miisaayad ah.

Cali Jeyte ayaa ugu danbeyntii qiray in muran uusan ka jirin magacaabista guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin, laakiin mas'uuliyiinta Hirshabeelle looga fadhiyo in ay cadeeyaan waxa bulshada reer Hiiraan loogu qabtay dhaqaalihii laga qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]