Isniin, April, 16, 2018 (HOL) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada
Midoobay Nikki Haley, ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria
Bashar al-Assad Axaddi shalay, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu gantaalo cusub
ku weerari doono taliskiisa, hadii uu mar kale fuliyo weerar uu u adeegsado
hubka kiimikada ah.
Haley oo hadalkan ka sheegtay mar ay u warameysay
Telefishinka Fox News, ayaa tiri"Haddii Asad aysan gaarin fariintii ay
xambaarsanaayeen 105tii gataal ee Sabtidii ay Mareykanka, Britian iyo
Faransiisku ku dhufteen sadex xarumood oo kuwo hubka Kiimakada ah, waxaa xigaya
mid xanuujsa, kuwo kale ayaa xigga, mana ogolaan doono xitaa isticmaalka
cadadka ugu yar ee Hubka Kiimikada ah.”
Waxey sheegtay in
sida Asad uu u dhaqmo ay ku xirantahay in duqeyntooda ay noqoto jawaab mar qura
ay bixiyeen iyo inay sii wadaan.
Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa habeen ka hore weerar
gantoolo ah waxaa ay ku qaadeen dulleedka caasimada Dimishiiq, iyaga oo
arintaan ku micneeyay in ay jawaab uga dhigayaan isticmaalka sunta Kiimikada ee
dadka rayidka ah gudaha dalka Suuriya oo ay ku eedeeyeen madaxweyne Bishaar
Al-Asad.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]