3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
Imaaraadka oo joojiyay guud ahaanba tababarkii uu siinayay ciidamada Soomaaliya

 

Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) –Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay ayaa sheeegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka socday xeryaha ay ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa 2014-kii Soomaaliya u soo dirtay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi oo tan iyo xilligan tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku taageerayay ciidamada Qaranka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira ururka Al-shabaab.

Sababta uu Imaaraadka u joojiyay Barnaamijyadii Tababareed ee Soomaaliya ayaa Wakaaladda ka soo baxda dalkaasi ee WAM waxa ay ku sheegtay inay kaga jawaabeyso lacagtii 9.6 Milyan aheyd ee ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen 8-dii bishan.

“Imaaraadka Carabta ayaa go’aansaday in ay tirtiraan barnaamijkooda tababarka Millatari ee Soomaaliya oo bilowday 2014-ka si loo dhiso awooda Ciidamada Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Shabaab,” ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay Wakaaladda WAM.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay horay u tababartay 2407 Askari oo ay bixiyaan mushaarkooda, sidoo kale waxay gacanta ku hayeen Saddex xero tababar iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland.

Xiisada u dhexeeya labadan dal ayaa kor u kacday tan iyo markii xukuumadda Soomaaliya ay cambaareeysay qorshaha Imaaraadka ay ku dhisayaan saldhig Millatari oo ku yaalla degaanada Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
4/16/2018 4:30 PM EST
Isniin,, April, 16, 2018(HOL)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa u muuqata mid gabi ahaanba soo afjareysa xiriirkii dhinacyada badnaa ee kala dhaxeeya Soomaaliya, iyadoo gabi ahaanba joojisay taageeradii Militari iyo bulsho oo ay ka waday Soomaaliya.

4/16/2018 8:52 AM EST
Isniin,, April,16,2018 (HOL)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Imaaraadka Carabta ay wadaagaan xiriir xooggan oo siyaasadeed, dhaqaale iyo mid dhaqan oo soo jiray qarniyo, iyadoo Madaxda Soomaaliya ay xaqiijiyeen inay go’an tahay xoojinta xiriirka labo geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal.

4/16/2018 8:45 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) Shirkadaha Duulimaadyada Jubba iyo Daallo ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan eedeymo muddooyinkii u dambeeyay loo jeedinayay.

4/16/2018 5:59 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL)-Madaxweynaha maamulka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in tababarayaal u dhashay dalka Imaaaraadka lagu qashqashaaday garoonka diyaaradaha Boosaaso.

4/16/2018 3:21 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga lagu soo gabagabeeyay Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

4/16/2018 3:15 AM EST
Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) - Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha uu uga biyo diiday in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee la magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin.

4/16/2018 12:39 AM EST
Isniin, April, 16, 2018 (HOL) – Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad Axaddi shalay, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu gantaalo cusub ku weerari doono taliskiisa, hadii uu mar kale fuliyo weerar uu u adeegsado hubka kiimikada ah.

4/16/2018 12:32 AM EST
Isniin, April, 16, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda arrimahad dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ku sugan magaalada Dammmaam ee dalka Sacuudiga halkaa oo lagu soo gabagabeeyay shirkii Ururka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in wada hadalo toos ah ay u bilaawdeen Soomaaliya iyo Imaaaraadka Carabta.