4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 16, 2018
War-Murtiyeed laga soo saaray shir madaxeedkii Jaamacada Carabta

 

Isniin,, April, 16, 2018 (HOL) - Waxaa magaalada Dammaam ee dalka Sacuudiga lagu soo gabagabeeyay Shir madaxeedka 29aad ee Jaamacadda Carabta, iyadoo laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob.

Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa khudbadahooda diiradda ku saaray xaalada ka jirta Caalamka Carabta, qadiyada Falastiin iyo colaada Yemen iyo Libiya.

Sidoo kale Hoggaamiyeyaasha Carbeed ee ka hadlay shir-madaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garab-taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

War murtiyeedka laga soo saaray shirka ayaa qodob ka mid ah looga hadlay xaalada Soomaaliya, iyadoo lagu shaaciyay in Jaamacadda Carabta ay sii wadeyso taageerada ay siiyo dowladda Soomaaliya, sidii ay dib ugu soo celin laheyd xasiloonida, nabada iyo dagaalka ay kula jirto argagixisada iyo xoojinta hey’adaheeda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dib-u-kabashada dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiyeyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto mandiqaddu, sida kaliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta madax-bannaanidiisa iyo karaamadiisa.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go’aamadii ka soo baxay shirarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in badeecadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Carbeed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada Carabeed in ay maalgashadaan Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]