4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Shir madaxeedkii Jaamacada Carabta oo maalinta berri ah ka furmaya Jordan

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Shirka hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa Berri  ka furmaya caasimada dalka Urdun ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda wadamada Jamacadda carabta.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu ka qeyb galo Shirkaasi.

Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah Abaaraha ka jira Soomaaliya ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen.

Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka ay Abaaruhu Saameeyeen.

Wakaalada Wararka ee dalka Urdun ayaa sidoo kale ku warameysa in qodobada looga hadlayo shirka ay Soomaaliya uga jirto kaalmaha hore.

Ugu danbeyntii, shir ay yeesheen wasiirada Arimaha dibada ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa si weyn loogu faaqidaday arimo ay ka mid ahaayeen abaarta ka jirta Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]