4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2017
Dowladda Finland oo kaalmo lacageed oo loogu talagalay Abaarta ugu deeqday Somalia iyo dalal kale

 

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) –Dowladda Finland ayaa deeq lacageed oo gaareysay 25-million oo dollar, ugu deeqday wadamo ku yaalla Africa, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland, Kai Mykkänen, ayaa sheegay in deeqdaasi loogu talagalay 5 Waddan oo Afrikaan ah, oo ay ka jiraan macluul ka dhalatay Abaaraha iyo Colaadaha.

Lacagaha ayaa waxaa loo kala siinayaa wadamada, sidan:

1-      South Sudan 7.6 million oo Pound.

2-      Somalia 5.5 million oo Pound.

3-       Uganda 2.2 million oo Pound.

4-       Ethiopia 755,000 oo Pound.

5-       Nigeria  2 million oo Pound.

Dowladda Finland, ayaa sheegtay in loobaahanyahay in wadamada kale, ay taageero ay ka geystaan caawinta dadka ay saameysay abaaraha.

Geeska Afrika waxaa soo wajahday macluushii ugu xumayd ee Taariikhda.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia