4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 28, 2017
Farmaajo oo berri ka qeyb gali doona shir looga hadlayo arrimha Soomaaliya

 

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) –Madaxweynaha Jamhuurida Federaalka ee Soomaaliya,  Maxamed Cabdullaahi Maxamed, ayaa maanta u safray Magaaladda Cummaan ee dalka Jordan, waxaana uu halkaasi kaga qeyb galayaa, Shir Madaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirka sanadkan waxaa diirada lagu saari doonaa, arrimo ay ka mid yihiin Abaaraha ka jira Soomaaliya, dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta iyo dagaalada ka socda Yemen.

Shirka madaxda Jaamacadda Carabta ayaa maalinta Berri, la filayaa in uu ka furmo caasimada dalka Urdun ee Cummaan.

Mudane Farmaajo, ayaa markii ugu horeysay isagoo madaxweyna ah ka qeyb galaya shirka Jaamacada Carabta, waxaana madasha uu ka jeedin doonaa qudbad uu kaga hadli doono xaaladaha soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia