4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Warar kala duwan oo ka soo baxaya Qarax ka dhacay waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho

Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) - Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax saqdii dhexe ee xalay qarax xoogan oo ka dhacay waddada warshadaha magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegayaa sheegaya in kooxihii qaraxaasi aasayay uu ku qarxay, halka warar kale oo soo baxayana sheegayaan in ciidamada dowladda ay qarxiyeen kadib markii ay ka warheleen.

Lama oga wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxa xalay ka dhacay waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyada ayaa waayadii ugu danbeeyay siweyn ugu soo badanayay magaalada Muqdisho, kuwaa oo sababay khasaare kala duwan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]