4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 28, 2017
Shariif Xassan : Ciidamada AMISOM waa in ay wax ka qabtaan amniga jidka isku xira Muqdisho iyo Beydhabo

 Talaado, Maarso, 28, 2017 (HOL) -Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM in ay wax ka qabtaa amniga jidka isku xirtay Muqdisho iyo Baydhabo.

Deegaannada u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Baydhabo waxaa inta badan jidgooyo dhigtay xoogag ka tirsan Al-shabaab oo halkaa ku weerara gadiidka ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo saraakiisha ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ee isaga goosha labada magaalo.

Shariif Xassan ayaa sheegay in lagu jiro waqti xasaasi ah oo dalka ay ka jirto abaar saameyn weyn ku yeellatay dadka iyo duuniyada, loona baahan yahay in dadka dhibaateysan gargaar la gaarsiiyo, sidaa daraadeed lagama maarmaan tahay sugida amniga jidka laamiga ah ee  xiriiriya labada magaalo.

Ugu danbeyntii, xarrakada Al-shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ka geystay inta Muqdisho iyo Baydhabo, iyaga oo marar badan oo horey ku dilay saraakiil ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]