Arbaco, Janaayo, 25, 2017 (HOL) – Weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa
lagu soo buuxiyay ayaa goor dhaw lagu qaaday hoteel ku yaalla wadada ugu
mashquulka badan magaalada Muqdisho ee Maka Al-Mukarama.
Hotelka la weeraro oo lagu magacaabo Dayax Hotel ayaa ah mid amnigiisa siweyn loo ilaaliyo, waxaana lagu waramayaa in ilinka hore ee laga gallo lagu dhuftay gaari walaxa qarxa laga soo buuxiyay.
Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas xoogan oo dhaceysa lamana oga in ay
tahay rasaaas ay ridayaan ciidamada amniga iyo ay jiraan dabley weerar ku
qaaday hotelka, kadib qaraxa.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]