Theresa May oo madaxweyne Erdogan kula kulmi doonta dalka Turkiga

 Arbaco, Janaayo, 25, 2017 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa Sabtida booqan doonta dalka Turkiga, waxaana la filayaa in ay halkaa kulan kula yeellato madaxweynaha dalka Turkiga .

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare May ayaa lagu sheegay in ay halkaa wada hadal kula yeelan doonto madaxweyne Recep Tayyip Erdogan,

Labada masuul ayaa la filayaa inay ha wadahadlaan ganacsiga, difaaca iyo amniga.

Mrs May ayaa loo maleynayaa inay Ankara u duuli doonto ka dib safarkeeda Mareykanka, halkaas oo ay ku arki doonto madaxweyne Trump, maalinta Jimcaha.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee Theresa May ay booqato Turkiga tan iyo markii ay ra'iisl wasaaraha noqotay.

Sidoo kale, waxay noqon doontaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu fashilmay afgembigii dhicisoobay ee 2016-kii ka dhacay Turkiga.

Afhayeen u hadlay xafiiska Mrs May ayaa la weydiiyay inay u eexdeen madaxweyne Erdogan iyo Ra'iisul wasaare Binali Yildirim, wuxuu ku jawaabay: "Waan cadeynay taageerada aan u hayno dimuquraadiyadda iyo hay'adaha Turkiga tan iyo afgembigii fashilmay xagaagii hore."

"Ra'iisul wasaaraha waxay fursadan uga faa'ideysaneysaa inay ku celiso taageerada aan arrintaas u hayno, waana cadeyneynaa in jawaabta turkiga uu arrintaas ka bixiyay inay u qalanto, dabcan waan sii wadeynaa inaan arrintaas ka hadlno."

"Booqashadan xaqiiqdii waxay muujineysaa in Turkiga uu yahay saaxiib aanan laga maarmin, iyo inuu UK xulafo dhow kala yahay arrimo muhiim ah sida ganacsiga, amniga iyo difaaca", ayuu yiri afhayeenka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]