Mas'uul ka hadlay sababaha soo celcelinaya dagaallada Afgooye

Arbaco, Janaayo, 25, 2017 (HOL) – Mas’uul u hadlay maamulka K/galbeed Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaallada marar badan soo noq noqday ee ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Cali Nuur Max’ed oo ah guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga maamulka gobolka Sh/hoose, ayaa sheegay in Afgooye noqotay difaaca koowaad ee militiriga Soomaaliya, madaama ayuu yiri maalmaba maalinta ka danbeysa dib u soo guranayaan.

‘’Ciidamada dowlada mudo dheer wax mishaar ah ma aysan qaadan, sidaa daraadeed diyaar uma ah in ay la dagaalamaan Al-shabaab, waan tan keentay in gacan ku heynta degmada Afgooye leysku qabsado’’ ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sh/hoose.

Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa sheegay sababta u sahleysa Al-shabaab in ay ku soo noq noqdaan Afgooye tahay ciidamada dowlada oo aan u diyaarsaneyn in ay la dagaalamaan, madaama aysan heli xuquuqdii ay lahaayeen oo mishaarku qeyb ka yahay.

‘’ In maanta deegaannadii kale oo dhan leys kala soo tago oo Afgooye la marayo in lagu dhax dagaalamo waxa sababaya waa ciidamada oo aan xaqooqdii helin, ‘’ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare badan dhaliyay waxaa ay ku qaadayay bilihii la soo dhaafay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]