Galmudug oo Maxkamad soo taagaysa Ajaanib laga soo qabtay xeebaha Hobyo

/images/2017/jan/Arbaco, Janaayo, 25, 2017 (HOL) –Maamulka Gal-Mudug ayaa sheegay in waqti dhow maxkamad la soo taagi doono afar muwaadin oo u dhashay dalka Yemen ,kuwaasi oo dhawaan lagu soo qabtay howl-gal ay sameeyeen ciidamada bad-da ee maamulka Gal-Mudug.

“Maxaabiistan maalin dhawayd ayaa la soo qabtay iyaga oo howlo sharci darro ah ka wada xeebaha Gal-Mudug , waa afar nin oo wata doomo nooca jariifka ah “ ayuu yiri Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Gal-Mudug Yaxye Sheikh Cali.

“Waxey wataan waraaqo ay leeyihiin qolo ayaa na siisay oo aan u  malaynayno in ay yihiiin been abuur , waxaase hadda noo qorshaysan in sharciga la horgeeyo “ ayuu yiri Cali oo tilmaamay in cid kasta oo ku soo xad-gudubta xeebaha gobolka cinqaab adag la marsiin doono.

Waxa  uu sheegay in had-da ay afarta qof ee ajnabiga ah ay ku xiran-yihiin xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo ,isaga oo tilmaamay in la diyaariyay xeerarka ciqaabta ee maxkamad-da Gal-Mudug.

Ugu danbayn ,Maamulka Gal-Mudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waday howl-galo xoogan oo ka dhan ah kooxaha jariifka sharci darada ah ka sameeya xeebaha ,iyada oo aan la ogayn xukunka lagu ridi doono ajaanibtan.

Faysal M. Hassan
[email protected]