Gudiga doorashada madaxweynaha oo guddoomiye doortay

Arbaco, Janaayo, 25 2017 (HOL) -Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa doortay guddoomiye, guddoomiye ku-xigeen  iyo xoghaye guud,  kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gudiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha ayaa loo doortay C/raxmaan Ducaale Beylle, halka guddoomiye ku-xigeen loo doortay Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag,  siddoo kale xog-hayaha gudiga ayaa noqoneysa xildhibaan Maryan Axmed Haaruun.

Xildhibaan  C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa madax ka ahaa gudigii doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka, waxaana lagu xasuustaa sidii wacneyd oo ay gudigaa u maamuleen doorashada guddoonka baarlamaanka oo ku dhacday waqtigii  loo dajiyay.

Gudiga ayaa la filayaa in wixii xiligan ka danbeeya gudagalin doonaan jadwalka doorashada madaxweyaha iyaga oo soo saari doona waqtiga kama danbeysta ah oo ay doorashada ku dhici doonto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]