Waqtiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la shaaciyay

 

Arbaco, Janaayo, 25, 2017 (HOL) – Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maalintii shalay lagu dhawaaqay ayaa isla maanta shaaciyay jadwalka doorashada madaxweynaha Soomaaliya, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Gudiga ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha la qabanayo 8bisha Fabaarayo oo maalmo kooban uu ka harsan tahay.

Gudiga ayaa maanta guddoomiye u doortay xildhibaan C/raxmaan Ducaale Beylle.

Akhriso Jadwalka :

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]