Hal Ruux oo ku Geeriyooday Rabsho ka dhacay Ciyaar Dhex-maraysay Awdal iyo Maroodi-jeex


Axad, Oktoobar 11, 2015 (HOL) — Hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waxaa kasoo dhaawac, kaddib markii rabshaddo ka dhaceen garoonka Boorama oo uu ka socdo tartankii goboladda Somaliland.

Rabshadahan ayaa yimid markii goboladda Maroodi jeex  oo hal gool wadata iyo Awdal oo eber wadata uu garsoorihii ciyaarta u qabtay gobolka Awdal gool ku laag ay ku laagtaan gobolka Maroodi jeex, haseyeeshee gool ku laagtaasi waxa diiday gobolka Maroodi jeex ka dibna uu sidaas khilaafku labadda kooxood ee ciyaartoygu isku xanaaqeen.

Ciidanka booliska ayaa isku dayey inuu rasaas u adeegsado inuu dadku ku kala dareeriyo taasina waxay galaafatay inuu ku geeriyoodo hal qof, halka mid kalena ku dhaawacmeen sida ay noo xaqiijiyeen wariyeyaal ku sugnaa garoonka, iyadoo taasina ay keentay in ciyaartii la hakiyo.

Waa dhimashaddii labaad ee ka dhacda mudaddii uu is reeb reebku ka socday magaaladda Boorama, waxaana isla todobaadkii hore rabshado sidan oo kale ah ku geeriyooday wiil dhalinyaro ah.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland