DAAWO SAWIRO: Markab ay leedahay Spain oo Tahriibayaal uu Bad-baadiyay geeyay Talyaaniga


Axad, Oktoobar 11, 2015 (HOL) — Markab dagaal oo laga leedahay dalka Spain ayaa ka badbaadiyay muhaajiriin fara badan oo doomo la socday Mediterranean-ka, kuwaasoo ka ambabaxay dalka Liibiya kuna socday Talyaaniga, waxaana ku jiray sagaal qof oo Somali ah.

Mujaahiriintan ayaa la geeyay dekedda magaalada Pozzallo ee dalka Talyaaniga Arbacadii lasoo dhaafay, iyadoo tani ay  qayb ka tahay qorshayaasha Ururka Midowga Yurub uu uga hortagyo tahriibayaasha ku geeriyooda badda Mediterranean-ka oo u dhexeysa waddamada Liibiya iyo Talyaaniga, halkaasoo ay sannad walba ku dhintaan kumanaan tahriibayaal ah.











Xuquuqda Sawirrada: VOA Somali

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya