
Axad, Oktoobar 11, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta dhagax-dhigay taawar laga hagayo diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia si rasmi ah loogu soo wareejiyay maamulka hawada Somalia oo muddo labaatan sano ka badan ay maamulaysay Qaramada Midoobay.
Cumar C/rashiid ayaa sidoo kale xarigga ka jaray taawarka cusub ee garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde oo ay dhistay dowladda Turkiga, iyadoo garoonka diyaaradaha Muqdisho ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.
Wasiirka gaadiidka iyo saadaasha hawada Somalia, Cali Axmed Jaamac [Jangali] oo hadal kooban ka jeediyay dhagax-dhigga ayaa xusay in tallaabadani ay qayb ka tahay horumarka uu dalkeennu ku tallaabsanayo, isagoo ballan-qaaday in la dhigi doono xaruntan qalab casri ah oo maamulka hawada Somalia uu isticmaali doono, mid kale oo la mid ah ay dowladda FS ka hirgalin doonto magaalada Hargeysa.
Sidoo kale, Sharma'arke ayaa bogaadiyay hawlaha ka socota garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuuna xusay in guul weyn ay Somalia u tahay in maamulka hawadeeda ay lasoo wareegto, isagoo intaas raaciyay in xaruntaan oo kale ay ka hir-galin doonaan Hargeysa, si loo adeegsado markii loo baahdo.
“Farxad weyn ayay noo tahay in dhowr iyo labaatan sano kaddib markii ugu horreysay dib loogu soo celiyo dalka koontaroolka hawada dalkeenna, arrintan waxaan billownay 2009-kii oo aan ahaa ra’iisul wasaaraha dalka. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay waxaan u qornay in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay lasoo wareegto maamulka hawadeeda, taas oo muddo soo jiitamaysay, waana tan maanta dhagaxeeda la dhigayo, lana dhisayo meeshii qalabka la dhigi lahaa si loogu shaqo billaabo,” ayuu yiri RW Sharma’arke.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Ummadda Soomaaliyeed waxaa u soo laabatay howshii ay iyaga lahaayeen, waxayna noo tahay farxad, ammaantaan oo dhanna waxaa leh wasaaradda gaadiidka, waxaana rajeyneynaa in dalka wixii ka maqnaa oo dhan aanu lasoo wareegi doonno.”
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya