Axad, Oktoobar 11, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay xildhibaanada wadahadalada lagu xallinayo mooshinka ee shalay furay ka maqan inay kasoo biiraan, si go’aano wadajir ah looga gaaro mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya.
Shirkii Muqdisho ka furmay shalay oo Sabti ahayd ayaa waxaa ka maqnaa 81 xildhibaan oo ka mid ahaa 93-kii mudane ee saxiixay mooshinka, kuwaasoo horay u sheegay inaysan ka qaybgalayn shirkaas illaa guddoomiyaha baarlamaanka Somalia uu raalli-gelin ka bixin go’aankii uu ku tuuray mooshinkooda.
Prof. Jawaari ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in xildhibaanada ka maqan shirka ay yimaadaan miiska wadahadalka, si tabashada ay qabaan looga hadlo, isagoo xusay in haddii la wadahadlo la gaari karo is-faham.
Xildhibaan Cabdi-barre Yuusuf Jabriil oo ka mid ahaa xildhibaannadii mooshinka saxiixay ee ka qayb-galay shirka shirkii shalay ayaa sheegay inay 81-xildhibaan ee shirka aan kasoo qayb-gelin ay xaq u leeyihiin in iyagana fikirkooda la dhageysto aragtidooda, isagoo intaas ku daray inuu isagu weli taagan yahay hadafkiisii ahaa inaanu ka taansulin mooshinka.
Sidoo kale, xildhibaannadii mooshinka saxiixay qaarkood ayaa sheegay inay ka tanasuleen, laakiinse loo baahan in wadahadalka mooshinka lagu xalinayo gudaha baarlamaanka lagu dhameeyo.
Ugu dambeyn, xildhibaannada mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Somalia in uusan dhex-dhexaad ka ahayn arrrinta, uuna u dhaqamayo sidii garsoore maxkamadeed.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya