SAWIRO: Xildhibaanada Pan African oo booqday Gurigii Mandela iyo Goobihii Midab-takoorka


Axad, Oktoobar 11, 2015 (HOL) — Socdaalkan ay xildhibaanada baarlamaanka Afrika ku tageen madxafyo taariikhi ah oo ku yaalla magaalada Johannesburg ee Koonfur Afrika oo loogu xasuusto dowladdii midab-takoorka ahayd iyo madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, Nelson Mandela ayay ku tageen madxafka midab-takoorka, guriga Nelson Mandela iyo madaxafyo kale oo la dhigo tacadiyadii ay geysatay dowladdii midab-takorka ahayd ee dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha baarlamaanka Afrika, Roger Nkodo Dang & ku xigeenadiisa oo xubnahan horkacayay ayaa ka codsaday inay xubnuhu wax ka bartaan sidii ay heeryadii gumeysiga cadaanka ah ay isaga qaadeen wallaalaha Madowga ah ee Koonfur Afrika, isagoo ballan-qaaday haddii ay isku-raacaan xildhibaannadu inay booqan doonaan goobo kale oo badan oo taariikhi ah oo ay dalka Koonfur Afrika leedahay.

Xildhibaan C/casiis C/llaahi Maxamed (Xukun) oo ka mid ahaa mudanayashii booqanayay madxafyada lagu goobahan ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wax-ka-ogaansaha mad-xafyada la dhigay waxyaabaha taariikhiga ahaa ee geesinimada leh ee ay dadka madowga ah ee Koonfur Afrika kaga hortageen dowladdii midab-takoorka ahayd ee mudada dheer gumeysiga ku haysay.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa xusay in booqashada ay ku tageen guriga Mandela ay wax badan ka ogaadeen noloshiisi iyo sidii ay qoyskiisu u noolaayeen, isagoo intaa ku daray in booqashadan ku barteen dhibaatadii xooganayd ee ay dadka madow u geesatay dowladdii caddaanka ee midab-takoorka ahayd, isagoo xusay inay habboon tahay in waddamo badan oo Afrikaan ah oo isku mashquulsan ay wax ka baran karaan madax-fayadaan iyo nolosha gurigii madaxwenihii xoriyada u horseeday Koonfur Afrika ee Nelson Mandela.

Ugu dambeyn, xildhibaanada baarlamaanka Afrika markii uu safarkooda u soo dhamaaday ayaa waaxa wajiyadooda laga dheehan karay shacuur  ku aaddan sida ay uga xun-yihiin in dowladdii midab-takoorka ahayd ay sidaan ula dhaqanto shacabka Koonfur Afrika, iyadoo sheegay inay ku faraxsan yihiin safarka ay ku tageen goobahan taariikhiga ah.

Mahad Maxamed Sheekh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Pretoria, Koonfur Afrika