Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo lagu qabqabtay Howlgallo laga sameeyay Gobolka Galguduud


Axad, Oktoobar 11, 2015 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia ee Ceelbuur ku sugan ayaa sheegay in howlgallo ay sameeyeen ay kusoo qabteen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Axmed Xasan Caraale oo ah taliyaha ciidamada dowladda Somalia ee degmada Ceelbuur oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saraakiishan ay qabteen ay ka mid ahaayeen saraakiisha Al-shabaab ee muddo dheer ay ku raad-joogeen.

“Saraakiishan waxay ka mid ahaayeen kuwa sare ee Al-shabaab, waxaan kasoo qabanay duleedka degmada Ceelbuur kaddib howlgallo ay ciidamadu ka sameeyeen. Maxkamadda ayaana loo gudbin doonaan, annaga ayaa naqaannay, waana kuwii nagula dagaalami jiray degmada,” ayuu yiri taliyaha.

Ma jirto ilo wareedyo kale oo madax-banannaan oo xaqiijinaya hadalka taliyaha ciidamada Somalia ee degmada Ceelbuur, iyadoo sidoo kalena aysan Al-shabaab ka hadlin dhankeeda xubnaha la sheegay inay kooxdooda ka tirsan yihiin ee lagu qabtay gobolka Galguduud.

Ugu dambeyn, waxaa xilliyadii u dambeeyay ay ciidamada dowladda Somalia ka wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia, kuwaasoo lagu qabqabtay tiro ka mid ah Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya