
Isniin, Ogoosto 17, 2015 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah 93-kii xildhibaan ee dhawaan Saxiixay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, isla markaana u Gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Shaaciyay inay ka laabteen saxiixii Mooshinkaas.
Mudanayaashan oo ay ka mid ahaayeen; Cabdalla Boos Axmed, Cabdifataax Nuur Mataan, Xildhibaan Sheegow iyo Xildhibaan Tahliil oo Shir jaraa’id Maanta Muqdisho ku Qabtay ayaa sheegay in Mooshinkan la Qoray lix bilood ka hor, Waxayna Xuseen in Xilligaas uu Qalalaase Siyaasadeed dalka ka jiray; balse mar dambe heshiis laga gaaray.
“Waxaan ka mid ahaa Xildhibaannadii Wax ka Saxiixay Mooshinka Madaxweynaha lagu eedeeyay, markii aan saxiixaynay waxaan qabnay aragti, laakiinse waxaa lagu heshiiyay in xukuumadda iyo Baarlamaanka Somalia ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan muddada yar ee harsan, sidaas daraadeed anigoo raba inaan ka Run sheego Kitaabkii aan ku dhaarannay, waxaan caddeynayaa inaan inaanu khilaaf waxba soo kordhinayn, waanan ka laabannay,” ayuu yiri Xildhibaan Tahliil.
Toddoba ka mid ah Xildhibaannadii Shirka Jaraa’id Maanta Muqdisho ku Qabtay ayaa ku eedeeyay Xildhibaannadii soo Diyaariyay Mooshinkan inay yihiin kuwo dano Gaar ah leh, ayna la ordeen mooshinka iyadoo aan wax wadatashi ah laga yeelan.
Sidoo kale, Xildhibaannadan ayaa xusay inaysan waxba kala socoon qodobada lagu Qoray Mooshinkan, iyagoo guddoonka Baarlamaanka ugu baaqay inuu dib u celiyo mooshinkaas, lagana saaro saxiixyada xildhibaannada laga been abuurtay.
Ugu dambeyn, Xildhibaanadan ayaa wuxuu hadalkoodu kusoo beegmayaa xilli Mooshinkii ka dhanka ah Madaxweynaha Dowladda Somalia la sheegay in Maxkamada Sare ee dalka loo gudbiyay.
Si kastaba ha ahaatee, Ma jirto weli wax War ah oo kasoo baxay dhanka Xubnihii kale ee Mooshinkaan Wax kasoo diyaariyay, iyadoo tani ay u muuqato in la kala jabiyay xubnihii fikirka mideysan ka qabay mooshinkan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya