Dibadbaxyo Madaxweynaha Jubbaland lagu Taageerayay oo Kismaayo ka dhacay (SAWIRRO)
Isniin, Ogoosto 17, 2015 (HOL) —Dibadbaxyadan oo lagu taageerayay madaxweeynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo boqollaal qof ay isugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada.
Dadkan oo isugu jiray, ururrada haweenka, dhalinyarada, ardeyda wax ka barata iskuulaadka magaalada iyo weliba qeybaha kala duwan ee bulshada reer Kismaayo ayaa socod maray qaar kamid ah wadooyina waaweyn ee magaalada, iyagoo ruxayay calamada Soomaaliya iyo kan Jubbaland, islamarkaana sita boorar ay ku xardhanaayeen sawirrada madaxweeynaha Jubbaland iyo halku dhigyo ay ku taageerayaan.
Dadkan ayaa ugu danbeyntii isugu tagay garoonka lagu cayaaro kubadda cagta ee Kismaayo, halkaasoo ay uga hadleen shucuurtooda ku aadan doorashadii madaxtinimo ee lagu doortay madaxweeyne Axmed Madoobe.
Dadkan ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhaweeynayaan madaxweeynaha la doortay, iyagoo kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo cadaaladda, horumarka iyo amniga.
Sidoo kale waxaa dibadbaxani ka qeybqaatay madax ka tirsan maamulka Jubbaland, kuwaasoo iyaguna ugu hambalyeeyay shacabka sida ay isugu soo baxeen islamarkaana u muujiyeen dareenkooda.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
More News
- Xildhibaano shaaciyay inay ka laabteen Saxiixii Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweynaha DF
- Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan oo diiday inuu Heshiis la Saxiixdo Mucaaradka Dalkiisa
- COL. DHIMBIL: Ciidanka Itoobiya ee Howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan kama Tirsana AMISOM
- Uganda oo Somaaliya u soo dirtay Saraakiil ka mid Noqonaya Booliiska AMISOM (SAWIRRO)
- WASIIRKA HAWEENKA: Waxaan soo saaraynaa Sharci lagu Mamnuucayo Gudniinka Fircooniga
- Hoggaamiyaha Kooxda Boko Haram Sh. Abubakar Shekau oo Shaaciyay inuu weli Nool yahay
- Booliiska iyo Nabadsugidda Somalia oo Muqdisho ku qabtay Maandooriye iyo Waxyaabaha Qarxa
- Diyaarado duqeeyay gaadiid ay wateen Xoogaga Al-shabaab oo Marayay Duleedka Masagawaa
- MASAR: Saraakiil lagu soo Eedeeyay AF-GAMBI Millateri oo ay Maxkamadi Xukunno ku Ridday
- Musharaxad Faadumo Cali Madar oo ka Dalbatay Soomaalida ku nool Norway inay Codka Siiyaan
- SAWIRRO: Ardayda Jaamacada Banaadir oo loo Qabtay Siminaarkii ugu Horreeyay Xilliga Fasaxa
- Wiil uu dhalay Hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida oo ku baaqay in la Weerarro Reer Galbeedka