Isniin, Ogoosto 17, 2015 (HOL) — Xarunta Jaamacadda Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa Waxaa Gelinkii dambe ee shalay ka furmay Siminnaarkii ugu Horreeyay xiliga fasaxa (Sumer Seminars) oo loo qabto ardayda wax ka barata kuliyadaha Jaamacadaas inta lagu guda jiro fasaxa.
Casharkii ugu horreeyay oo ku saabsanaa tiknoojiyada casriga ah iyo maamulka ka jeediyey Prof. Nuur Diiriye Fursade kaasoo xambaarsanaa aqoon ballaaran ayaa wuxuu si faahfaahsan uga hadlay mowduuca ku saabsanaa tiknoloojiyada casriga ah, wuxuuna xusay in aqoonta hadda lagu barto Jaamacadaha ay markii hore ahayd xog la ururiyay.
Sidoo kale, Casharkan ayaa lagu falanqeeyey mowduuc la xiriiray is-waafajinta Afka Soomaaliga iyo laamaha cilmiga ayaa waxaa ka qayb-galay Mas’uuliyiinta Jaamacadda Banaadir iyo Qaar ka mid ah ardayda kuliyadda Tiknoloojiyada; iyadoo professor-ku sharraxaad ka bixiyay Database-ka iyo Faa’iidooyinkiisa.
Qaar ka mid ah Ardayda Jaamacadda Banaadir ayaa su’aalo ku saabsan mowduucan weydiiyay Prof. Nuur Diiriye oo isna si saraaxad leh uga jawaabay dhamaan su’aalihii la weydiiyey.
Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo Goobta ka hadlay in casharka la bixiyay uu wax weyn ku kordhinayo Aqoonta Ardaydii iyo Aqoonyahanandii kale ee ka faa’iideystay wuxuuna xusay in casharkan uu qayb ka yahay Siminnaarada Xilliga fasaxa (Sumer seminars).
“Waxaan ku faraxsanahay inaan isugu nimid dhegeysiga casharkii koowaad ee xilliga fasaxa, balse nuxurka ballaarnaa ee uu halkaan nooga soo jeediyey Prof. Fursade waana markii saddexaad ee Cashar noocan ah uu ka bixiyo Xarunta Jaamacadda Banaadir tan iyo markii uu sanad ka hor ku soo laabtay dalka,” ayuu yiri Dalmar.
Isagoo intaas ku daray. “Waxaa socota diiwaan-gelinta ardayda Sannadka kusoo biiraysa Kuliyadaha Jaamacadda, waxaana Qaadanaynaa dufcadii 15-aad ee kuliyadda Caafimaadka, dhowaan imtixaankii qubuulka ayaan qaadaneynaa inta aysan xirmin diiwaan gelinta ardayda dugsiyada sare ka soo baxday, waxaana sanadkan aan imtixaanka ku soo darnay Afka Soomaaliga.”
Sidoo kale, Munaasabaddaas waxaa ka hadlay Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah Asaasayaasha Jaamacada Banaadir, isagoo ka warramay faa’iidada ay casharada noocan ah ee ay bixiyaan khabiirada u leeyihiin Ardayda.
Guddoomiyaha Mu’asasadda Jaamacadda Banaadir, Dr. Bushkuleeti oo isna ka hadlay goobta ayaa yiri. “Dhegeysiga Casharada noocan ah waa kuwo aad u qiime badan oo heer caalami ah, waxa loo tagaa dibedaha, qarash baa ku baxa, hotelaa loo kireystaa, waxayna taas ku tusinaysaa muhiimada ay leeyihiin si looga faaiideysto aqoonyahano sare sida Prof. Nuur Diiriye oo kale, waana uga Mahad-celineynaa.”
Ugu dambeyn, Jaamacadda Banaadir oo ka mid ah Jaamacadaha Somalia ka jira ayaa sanad walba marka lassoo gaaro xiliga fasaxa waxay ardayda wax ka barata kuliyadaheeda kala duwan u qabataa seminaaro sare loogu qaadayo tayada aqoontooda kuwaasoo ay casharo ka bixiyaan aqoonyahano Soomaaliyeed.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya