Booliiska iyo Nabadsugidda Somalia oo Muqdisho ku qabtay Maandooriye iyo Waxyaabaha Qarxa


Isniin, Ogoosto 17, 2015 (HOL) — Ciidamada Nabadsugidda iyo Booliiska Somalia ayaa Howlgallo ay ka sameeyeen Muqdisho kusoo Qab-qabtay Waxyabaaha Qaraxya iyo sidoo kale Maandooriyeyaal, sida ay sheegeen taliska Booliiska Somalia & Wasaaradda Amniga Qaranka.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Somalia, Maxamed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada ay Gudaha u galeen Guri uu Sheegay in Maandooriyaha lagu iibin jiray, sidoo kalena dadka ay ku isticmaalayeen. Isagoo intaas ku daray in halkaasi lagu soo qabtay Maandooriyeyaal fara badan, taasoo dhibaato ku hayay shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidamadda Nabad-sugidda uma diyaar sana oo keliya inay Al-shabaab dagaal la galaan, balse waxay kaloo u diyaarsan yihiin la-dagaalanka Mukhaadaraadka, Cid Walba oo lagu helana ciqaab aadag ayay mudan doontaa,” ayuu yiri Yuusuf.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa uga digay shacabka inay isticmaalaan wax walba oo maanka dooriya, isagoo sheegay in ciddii lagu lagu helo ay sharciga la tiigsan doonaan.

Dhanka kale, Taliye ku xigeenka ciidamada booliiska Somalia oo isna saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Amniga Somalia ay gacanta ku soo dhigeen waxyaabaha Qarxa, kaddib markii ay howlgal ka sameeyeen Guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

“Waxay ciidamada booliiska iyo kuwa nabad-sugidda oo iskaashanaya ay maanta gacanta kusoo dhigeen waxyaabaha qarxa oo lagu diyaarinayay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid. Waxaana sidoo kale lasoo qabtay Saddex ruux oo mid ay haweeney ahayd, kuwasoo looga shakiyay in walxahaas Qarxa wax ka ogaayeen,” ayuu yiri talie ku xigeenka Booliiska.

Ugu dambeyn, Ciidamada nabad-sugidda iyo Booliiska Somalia ayaa baaritaanno xoogan saaka ka sameeyay degmada Yaaqshiid, waxaana Waxyaabahan Qarxa ee ay Ciidamadu soo qabteen la sheegay inay Al-shabaab Damac-sanaayeen inay ku Dhibaateyso Shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya