Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan oo diiday inuu Heshiis la Saxiixdo Mucaaradka Dalkiisa


Isniin, Ogoosto 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa diiday Maanta inuu Heshiis lagu dhameynayo dagaalka Sokeeye ee Dalkaas ka socda muddada 20-ka sanno ah, kaddib wadahadallo maanta dhinacyada dalkaas ku dagaalamaya loogu qabtay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Go’aanka Salva Kiir ayaa wuxuu walaac geliyay dalalka Urur-goboleedka IGAD oo shirka Addis Ababa ee Mucaaradka iyo Dowladda South Sudan la isugu keenay si Xal Nabadeed looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalkaas hareeyay.

Sidoo kale, afhayeenka Mucaaradka Koonfurta Suudaan, Stephen Par oo la weydiiyay in saxiixd la’aanta heshiiska ee Salva Kiir uu macnaheedu yahay inuu sii soconayo dagaalka ayaa ku jawaabay; “Sida Muuqata waa Haa.”

Heshiiska nabadeed ayaa Waxaa Saxiixay Hoggaamiyaha Mucaaaradka Koonfurta Sudan, Riek Machar iyo Madaxa Xisbiga talada dalkaas haya, Pagan Amum. Iyadoo heshiiskan uu u muuqdo mid aan macno lahayn, maadaama uu kasoo horjeestay madaxweynaha dalkaas.

Wakiillo matalayay Madaxweyne Salva Kiir iyo Madaxa Mucaaradka Riek Machar ayaa Wadahadalo ku lahaa maanta magaalada Addis Ababa ee Xarunta dalka Itoobiya, iyadoo Xukuumadda Mareykanka ugu hanjabtay dhinacyada dalka Koonfurta Sudan inay heshiis Nabadeed Saxiixdaan Maanta oo ah 17-ka Ogoosto 2015-ka, haddii kale ay saari doonaan cunno-qabateyn.

“Ma saxiixayo heshiis nabadeed oo aan la fulinayn,” ayuu Kiir ku qoray barta ay bulshada ku xiriirto ee Twitter oo ay Xukuumadda Koonfurta Suudaan leedahay. Isagoo sidoo kale ku qoray. “Haddii aan Maanta heshiiska saxiixo, berri dagaalka ayaa dib loogu laabanayaa. Marka su’aashu waa maxaan faa’iidnay.”

Colaadda sokeeye ee dalka Suudaan oo billaabatay bishii December ee sannadkii 2013-kii, kuwaasoo sababtay dhimashada boqollaal qof oo shacab ah, iyadoo ay kumannaan qof oo kale ay ku barakaceen.

Xabbad-joojinno ay kala Saxiixdeen Xukuumadda Dalkaas iyo Mucaaradka Toddoba jeer oo hore ayaa burburay, iyadoo weli dalkaas ay ka socdaan dagaallo sokeeye oo u dhexeeya Xukuumadda uu hoggaaminayo Salva Kiir iyo Madaxa ugu sarreeya Mucaaradka dalkaas, Riek Machar.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyeyaasha dalalka Bariga Afrika qaarkood oo Goob-joog ka ahaa Wadahadlalada u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumadda South Sudan ayaa ku tilmaamay tallaabada Salva Kiir mid nasiib-darro ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online  
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya