5/14/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2015
COL. DHIMBIL: Ciidanka Itoobiya ee Howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan kama Tirsana AMISOM


Isniin, Ogoosto 17, 2015 (HOL) — Taliyaha Ciidammada AMISOM ee Gobollada Dhexe, Col. C/raxmaan Cabdi Dhimbil oo Maanta Warbaahinta kula Hadlay Beledweyne ayaa ka bixiyay Faahfaahin Sababihii keenay inay Ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM isaga soo baxaan deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Col. Dhimbil ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee Howlgalka ka Fulinaya Deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan aysan ka mid ahayn AMISOM, isagoo intaa ku daray inuusan ogeyn sabab ay ciidamada noocaa ah Qaybta uga yihiin Howlgalka.

“Waxaan rabaa in aan idin cadeeyo ciidamada Itoobiya ee kasoo baxay Halgan iyo kuwa howlgalka ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Nuur-Fanax,Booco, Buq-aqablle, Ceel-cali, Buq-goosaar, iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka,  kama tirsana AMISOM, waxaa laga xukumaa oo ay ka amar qaataan magaalada Addis Ababa, siddaa daraadeed dowladda Soomaaliya ayaan jawaabta arintan ka sugeynaa,” ayuu yiri Col. C/raxmaan.

DHAGEYSO: Wareysi Col. Dhimbil kaga hadlay arrintan oo uu siiya VOA-da

Mar uu ka hadlayay doorka ay Ciidanka Jabuuti ku lahaayeen Howlgalka, ayuu sheegay in ay 100 askari oo kaliya ka qeyb-qaateen, kuwaasoo Qorshahoodu ahaa inay ciidanka howl-galka ku jira caawiyaan, hase ahaatee wuxuu xusay in dhawaan ciidanka Jabuuti la wareegi doonaan deegaannada laga soo baxay.

“Ciidamada Jabuuti ee howlgalkaa qeybta ka ahaa ma heysan hub iyo saanad ciidan oo ku fulin, laakiin hadda qorshaheena waxaa uu yahay in aan dib ugu laabanno deegaannadaa ay soo banneeyeen ciidamada Itoobiya oo aan Fursad loo siin Al-shabaab in ay Goobahaas sii joogaan halkaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyuhu.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka Itoobiya ee jooga Beledweyne iyo Ceel-buur ay ka tirsan yihiin AMISOM, hase yeeshee ciidanka uu ka hadlaya yihiin kuwa  hawl-galka wadda deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan oo ah ayuu yiri ciidammo madax-banaan

Toddobaad ka hor ayey ahayd markii  Askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya meel dibadda ka ah Deegaanka Halgan ay ku dilleen Dad shacab ahaa oo la socday Gaari kuwa dadweynaha ah oo ka Ambabaxay Magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya