SH. BAARUUD: Shirkii Turkiga Waxaa looga Hadlay laba Cudur oo na Halligay


Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo mas'uuliyiinta hay’adda culummada Soomaaliyeed ka mid ah ayaa sheegay in shirkii Turkiga lagu qabtay looga hadlay laba cudur oo Somalia haligay, kuwaasoo uu ku kala sheegay Qabyaaladda iyo Xagjirnimada.

Wareysi uu Sheekhu Nuur Baaruud siinayay warbaahinta gudaha iyo dibadda qaarkood ayaa sheegay in shirka uu ahaa mid ahmiyad weyn u lahaa dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

“Runtii shirkii dalka Turkiga wuxuu ahaa mid ahmiyad weyn leh u leh dalka, waxaana kasoo qaybgalay aqoonyahanno iyo culummo Soomaaliyeed oo ka hadlay dhibaatada ay qabyaaladda iyo xajirnimada oo uu ku tilmaamay inay yihiin labada cudur ee Soomaaliya halaajiyay,” ayuu yiri Sheekh Baaruud.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in fariimaha la mariyo warbaahinta inay yihiin kuwo qayb ka qaadan kara in labadaas arrimood ay dhallinyarada iyo dadka kaleba ka haraan, waana arkay buu yiri dhallinyaro u sheegtay inay ka baxeen Al-shabaab markii ay dhageysteen fariimmo uu warbaahinta sii mariyay.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd in fariinta uu shirkku dirayay ay gaari doonto dadka ay ku wajahan tahay, gaar ahaan dhallinyarada, ayuu kaga jawabaay. “Waxaan rumeysanahay in farriinta shirku dirayay inay wax ka bedeli doonto dhallinyarada, waayo waxaan haynnaa fariimaha lasii mariyo saxaafadda inay dad badan badashay.”

Su’aal ahayd in war-murtiyeedka kasoo baxay shirka waxaa ka mid ahaa qabyaaladda, marka la dhihi karaa in qabyaaladdu ay tahay tan dhibaatada ku haysa Soomaaliya, ayuu kaga jawaabay. “Anigu waxaan aamisanahay in dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira ay asal u tahay qabyaaladda, sidoo kale waxaan rumeysanahay in Al-shabaab oo xagjir ah inaysan qabyaaladda ka marnayn.”

Isagoo isla arrintan ka hadlaya ayuu wuxuu hadalkiisa ku daray inay jiraan qabaa’illo yar-yar oo rumeysnaa in kuwa waaweyn ay dhibaato ku hayeen ay hadda ku aar-goosanayaan gacanta Al-shabaab. Isagoo hadalkiisa ku daray in dagaallada, dhaqaale-darrada, dhiigga daadanaya iyo wax walba oo dalka ka dhacaya ay saldhig u tahay qabyaaladda.

Ugu dambeyn, su’aal ahayd fariinta uu u dirayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya Al-shabaab oo la weydiiyay ayuu Sheekh Nuur Baaruud wuxuu kaga jawaabay. “Dhallinyaradaas waxaan kula talinayaa haddii uu diin u gar-gaaryo, dadkaas waa kuwo diinta xumeymaya oo halkaasi diin idin kama jirto, naftiinna ha ku halaagina, sumcadda diintana wax u dhimina. Waalidka dhalayna waxaan u sheegayaa carruurta meeshaas aadaya waxaa ka mid ah jahlinimo, marka waxaa la idin kaga baahan yahay inaad ubadkiinna gaarsiisaan diin saxiix ah.”

Shirka lagu qabtay magaalada Istanbuul oo socday muddo afar maalmood ah ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay urur la dagaalamaya qabyaallada oo lagu magacaabo ATM oo saldhig-giisu yahay magaalada London ee waddanka Britain.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya