Olole lagu baneynayo goobaha sharci-darada ah oo ka bilowday Laascaanood


Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Olole lagu baabi’inayo dhul si sharci-darro ah loo dhisay iyo jidadka xirmay ayaa laga billaabay qaybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Ololahan oo ay waddo dowladda hoose oo kaashanaysa ciidamada amaanka ayaa baneeyay wado dhererkeedu gaaraya 4-km oo dhinaca Koonfurta ka mara Laascaanood sida uu HOL u sheegay agaasimaha waaxda dhulka ee dowladda hoose, C/rashiid Askar Jaamac.

Xogahayaha dowladda hoose, Cabdi Khayre Dirir ayaa wuxuu sheegay in hawlgalkan uu socon doono lix bilood, laguna banneyn doono dhismayaasha, cidida, dhagaxa iyo guryaha KMG ah sida sandaqadaha iyo carshaanta laga dhistay waddooyinka galay ama jaray.

Mar wax laga weydiiyay dhismayaasha daaraha ah ee lagu jaray jidadka wuxuuna Cabdi Khayre sheegay inay calaamadinayaan una gudbinayaan maxkamadda oo go'aan ka gaari doonta.

Mas’uuliyiin ka socda maamulka Somaliland oo uu ka mid yahay wasiir u dowlaha horumarinta gobollada Bari, Cali Axmed Maxamuud (Cali Sandule) oo hawlgallada ka hadlay ayaa xusay inay ka taageeri doonaan wax badan owladaha hoose ee Laascaanood, isagoo ku dhiirrigeliyay inaysan ka caajisin hawlaha lagu soo saarayo bilicda magaalada.

Hawlagalkan oo aan ahayn kii ugu horreeyay ee dowladda hoose ay ka fuliso magaalada Laascaanood, balse waa kii ugu ballaarnaa intii ay hayeen xilka oo labaataneeyo bilood ah.

Ugu dambeyn, dadweynaha degmada Laascaanood ayaa soo dhaweeyay ololaha lagu banneynayo goobaha sharci-darrada loo dhistay iyo jidadka dhexmara magaaladaas.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Onilne
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool