Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Shir ay maanta yeesheen wasiirada Puntland ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaaso, ka horta-gga cudurka Ebola iyo khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.
“Waxaa warbixin looga dhagaystay shirka wasiirka duulista hawada ee Puntland ,waxaana u soo bandhigay halka uu marayo dhismaha garoonka diyaaradaha ee Bosaaso iyo in la dhimay canshuuraha qalabka howsha lagu fulinayo “ ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada oo ka hadlayay kulankii maanta.
Kulankan waxaa diiradda lagu saaray ciribtirka cudurka Dabaysha iyo in laamaha caafimaadka Puntland ay ka hortagaan cudurka Ebola ,iyadoo ay jiraan shaqaale arintan loo diyaariyay sida lagu xusay warkan.
Shirkan oo Khamiis walba ay isugu yimaadaan golaha wasiirada ayaa lagu soo hadal qaaday khilaafka ka dhex aloosan madaxda sare ee dowladda Federaalka ee Somaliya oo meel sare gaaray maalmihii la soo dhaafay.
“Puntland waxay la qabtaa adduunka walaaca uu ka muujiyay mustaqbalka iyo hiigsiga cusub ee 2016-ka oo galay marxalad aan ku fiicnayn dalka iyo dadka Soomaaliyeedba “ayaa mar kale lagu yiri warkan madaxtooyada laga so saaray.
Ugu danbayntii shirka ayaa laga sheegay in laamaha amniga ay qaadeen howlgallo amniga lagu sugayo asbuuci la soo dhaafay ,kaasi oo lagu soo xir xiray dad looga shakisanayahay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]