
Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Xildhibaanka baarlamaanka Kenya kasoo gala deegaanka Faafi oo ka tirsan deegaanka Gaarisa, Ilyaas Barre Shiil ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warbixin uu dhawaantan daabacay wargeys kasoo baxo Kenya oo lagu sheegay in guddiga difaaca iyo xiriirka caalamiga ah ee baarlamaanka waddanka Kenya ay ku caddaadinayaan xukumadda Kenya inay xiriirka u jarto dowlada Soomaaliya.
Xildhibaan Shiil waa Guddoomiye ku xigeenka Guddigaas, wuxuuna wareysi gaar ah oo uu siiyay Hiiraan Online ku sheegay in guddigooda aynan ku caddaadineynin dowlada Kenya iney xiriirka u jarto Somalia, isagoona intaas duray iney been aheyd warbixin maalin ka hor lagu qoray wargeyska Xiddigta "The Star" ee ka soo baxo magaalada Nairobi.
DHAGEYSO: WAREYSIGA XILDHIBAAN ILYAAS BARRE SHIIL
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in uusan jirin kulan ay yeesheen baarlamaanka kenya 11-kii bishaan oo looga hadlay arrinta Somalia, balse wuxuu qiray in guddiga uu asagu ka yahay Guddoomiye ku xigeenka ee Difaaca iyo arrimaha dibada u qaabilsan baarlamaanka kenya ay bil ka hor shir ku yeesheen magaalada Mombasa ee xarunta gobalka Xeebta Kenya, ayna oga hadleen arrimaha Somalia gaar ahaan sababaha uu mar kasto u xumaado xiriirka ka dhaxeyo Kenya iyo Somalia, ammaan darada Kenya ka soo wajahday dhanka Somalia iyo waliba Ciidammada kenya ee ku sugan Somalia, qeybtana ka ha howl-galka AMISOM.
Mudanaha ayaa sheegay in xiriirka ka dhaxeyo Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid wanaagsan isla markaasna aynan dhici kareyn in dowlada kenya ay xumeyso xiriirkaas, isagoona ka hadlay muranka Xuduuda Bada ee dhex yaallo labada dal.
Deegaanka laga soo doorto Xildhibaanka ee Faafi, ayaa waxaa hoos yimaado qeybo ka mid ah xerooyinka Qaxootiga Dhaadhaab, wuxuuna ka hadlay warbixin dhawaan ay soo saareen Hay'adaha WFP iyo UNHCR oo ku saabsan cuna dhimis iyo joojinta diiwaan galinta qaxooti cusub.
Wareysiga aan la yeelanay Xildhibaanka oo dhinacyo badan taabanaayo, ayaa marka hore waxaan weydiinay bal inuu noqa waramo madaama uu yahay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga difaacay iyo arrimaha dibada ee baarlamaanka Kenya, wararka sheegaayo in fadhi uu yeeshay Baaralamaanka Kenya looga hadlay Xiriirka Somalia iyo in guddigoodu uu ku qasbaayo Xukuumada Kenya iney xiriirka u jarto dowlada Somalia?
Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya