Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Kaddib kulan ballaaran oo degmada Buula-burte ay ku yeesheen odayasha beelaha dega degmaadaas ayay ku eedeeyeen guddoomiyaha degmada C/casiis Daahir Duuroow xil gudasha la’aan iyo sidda ay hadalka u dhigeen musuq-maasuq uu ku hayo gargaarka loogu talla-gallay dadka ku dhibaateysan degmada.
Afhayeenka odayaasha dhaqanka Buula-burte Cali Cumar (Qaansa-weyne) oo la soo xiriira HOL , ayaa sheegay in degmada ay ka jirto xaalad nolaleed oo aad u liidata, kaddib markii ay la soo darseen bulshada sidda uu hadalka abaaro, colaad joogta ah iyo fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle.
“Halkan degmada [Buula-burte] waxaa ka jira xaalad nolaleed oo aad u liidata, dadka degmada waxaa mar kaliya soo wajahay abaaro, colaado iyo fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelle, wax gargaar ah ma helin, maamul shaqeynaya ma jiro, ninka halkan guddoomiyaha ka ah xerada AMISOM kama soo baxo, waliba waxaa intaa u dheer mus-maasuq uu ku hayo gargaarka dowladda ugu talagashay dadka dhibaateysan ayuu si kulul u yiri,’’ afhayeenka odayaasha dhaqanka.
Guddoomiye ku-xigeenka odayaasha dhaqanka Max’ed Nuur Bulaale oo siddoo kale dhinaciisa la hadllay HOL ayaa sheegay in ay ka warhayaan gargaar dowladda Somalia ay ugu talla-gashay dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan degmada in dhawaan la soo gaarsiin doono, ballse waxaa uu sheegay in dowladda federaalka gaar ahaan wasaarrada arrimaha gudaha ka dalbanayaan in gargaarkaas uusan ku dhicin gacanta guddoomiyaha degmada.
“Waxaan maqalnay in dowladda gargaar u so direyso degmada, waxaan leenahay mas’uuliyiinta dowladda gaar ahaan wasaarrada arrimaha gudaha in gargaarkaas lagu simo gacan aamin ah, si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo, ayuu yiri,’’ gudoomiye ku-xigeenka odayaasha.
Marar badan oo ay isku dayeen in ay la kulmaan guddoomiyaha si ay uga wadda hadallaan xaalada dadka dhibaateysan ayeey sheegeen in uu ku gacan-seyray.
Degmada Buula-burte oo mar saldhig u aheyd Al-shabaab waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM, inkastoo wali meelaha qaar ay ka jirto go’doomin ay ku hayaan degmada Al-shabaab.
Ugu danbeyntii odayaasha dhaqanka ayaa ku war-galiyay dowladda inay tallaabo ka qaado wax ay ku tilmaameen musuq-maasuqa uu ku kacayo guddoomiyaha, si loo samata-bixiyo dadka ay isugu darsameen daruufaha nolaleed.
Guddoomiyaha C/siis Daahir Duuroow oo aan xiriir la sameynay si aan ugala hadalno eedeymaha loo soo jeediyay ayaan inoo suurtagalin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya