Taliye ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu weeraray Shabeellada Hoose


Khamiis, November 13, 2014 (HOL) — Gaadiid uu la socday sarkaal ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada xoogga dalka ayaa lagu weeraray deegaan ku dhow degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarkan oo lagu qaaday gaadiid uu la socday Jen. Maxamed Rooble Goobaanle oo ah taliyaha guutada saddexaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa dhacay duhurnimadii maanta; iyadoo dagaal culus uu dhex-maray ciidamada dowladda, AMISOM iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyadoo weerarkan uu ka dhacay deegaanka deegaanka Kabtan-laas.

Taliyaha ayaa la sheegay inaysan jirin dhibaato oo soo gaartay, laakiinse ay jiraan askar waxyeello ay kasoo gaartay weerarka oo muddo kooban socday, lamana oga dhimashada iyo dhaawaca askarta dowladda, AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ee dagaalku dhexmaray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mid ka mid ah gaadiidkii ciidanka dowladda lagu gubay weerarkaas, markii uu haleelay qarax miino dhulka lagu aasay. Iyadoo dagaalka kaddib ay xoogaggii Al-shabaab goobta isaga tageen.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii ayaa warbaahinta u xaqiijiyay weerarka, taliyahana uu ka badbaaday weerarkaas, waxaana uu intaa ku daray inuu isagu laftiisa saakay tagay isla degmada Baraawe oo taliyaha iyo ciidamadiisu ay kasoo ambabaxeen.

“Kolonyo gaadiid ah oo la socday Jen. Goobaanle waxaa lagu weeraray meel u dhaxeysa deegaannada Kabtan-laas iyo Roobow, markii ay ka soo baxeen Baraawe,” ayuu yiri Siidii oo intaa raaciyay in kolonyada la weeraray ay qayb ka ahaayeen ciidamada AMISOM.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaanahan ay Al-shabaab jidka u galayeen gaadiidka ciidamada ee ku socda ama ka yimaada Baraawe oo ay ciidamada dowladda iyo AMISOM kala wareegeen kooxdan bishii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya