Khamiis, June 26, 2014 (HOL) :- Wafdi ballaaran oo uu horkacayo isu duwaha arimaha biniaadanimo ee Qaramada Midoobay Flip Lazarani ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo ay soo dhaweeyeen madax ka tirsan maamulka Jubba.
Wafdigan ayaa markii uu soo degay waxa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubba, halkaasoo ay kulan kula qaateen Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubba iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada, waxa ayna uga warameen xaaladaha biniaadanimo ee ka jira Jubooyinka.
Intaasi kadib ayaa wafdiga waxa uu booqday xaruntii hore ee dalxiiska halkaasoo dhawaan maamulka Jubba uu dejiyay dad barakacayaal ah oo ku guryo beelay roobab ka da'ay magaalada Kismaayo.
Madaxweeyne kuxigeenka labaad ee Jubba Mudane C/qaadir Lugadheere oo goobta ka hadlay ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladda dadka barakacayaasha ah ee ku jira halkaasi, isagoo ka codsaday Qaramada Midoobay in ay si deg-deg ah usoo caawiso dadkaasi.
Madaxa hay'adda UNOCHA Mr. John Ging oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay indhahooda ku arkeen xaalad bini'aadanimo oo aad u liidata, isagoo uga mahadceliyay maamulka Jubba dib u dejinta ay u sameeyeen dadka barakacayaasha ah.
"Waxay noo tahay fursad in aan indhaheena ku aragno xaaladda ay ku suganyihiin dadkan, waxaana u jeednaa in dadkani ay u baahanyihiin gurmad deg-deg ah, waxaana u mahadcelineynaa cid walba oo wax u qabatay," ayuu masuulkan hadalkiisii raaciyay.
Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maamulka Jubba uu dhawaan qeylodhaan ka muujiyay xaaladda ay ku suganyihiin dadka barakacayaasha ah ee ay dhawaan dib u dejinta u sameeyeen.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Kismaayo gaaray
More News
- Siilaanyo oo sheegay in Gobonimadii 1960 ay noqotay mid marin Habowday
- Ciidamada Somaliland oo isaga baxay Degmada Taleex ee Gobolka Sool
- Munaasabad lagu Xusay 26-ka Juun oo lagu Qabtay Beledweyne (SAWIRRO)
- Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo ka hadlay xusay Maalinta 26-ka Juune
- Saraakiisha Jabuuti oo faahfaahin ka bixiyay Weerarkii saaka ee Buulo-burte
- Abaal-marino la guddoonsiiyay arday Baydhabo ku Qalin-jabiyay (SAWIRRO)
- Al-shabaab oo shaacisay inay ka dambeysay Weerarkii degmada Buulo-burte
- QM oo sheegtay in Al-shabaab ay Lacag badan ka hesho Dhoofinta Dhuxusha
- KENYA: Saldhigyo Booliis oo dib loo Furay iyo Shacabka oo aad ugu Farxay
- Wariyaal Qurba-joog ah oo xusay Sanad-guuradii 7-aad ee Aasaaska SOJASA
- Danjiraha Falastiin ee dalka Masar oo ka Mahadceliyay Taageerada Somalia
- Dagaal Saakay ka dhacay Gudaha Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan
- Madaxweyne Xasan oo Hambalyo u diray Reer Hargeysa 26-ka Juun Awgeed