Abaal-marino la guddoonsiiyay arday Baydhabo ku Qalin-jabiyay (SAWIRRO)


Khamiis, June 26, 2014 (HOL) — Shirkada Hormuud ayaa xafladaha ardayda ka qalin-jibisay waxay u soo bandhigtaa maalmahan su’aalo diini ah iyo su'aalo ku saabsan bisha Ramadaan.

Ardayda waxay kaloo ay weydiisaa su’aalo ku saabsan shirkadda iyadoo ardaygii ku guuleysta siisa abaalmarin fiican, howshanna waxaa wada madaxa shirkadda Hormuud ee Baydhabo, Sheekh Aadan iyo madaxa suuq-geynta Hormuud.

Mas’uuliyiintan ayaa xusay in howlahan ay yihiin kuwo ay wax loogu qabanayaan bulshada reer Baydhabo. Bishii lasoo dhaafay ayaa waxay shirkaddu deeq qalab iyo matooro ah siisay isbitaalka degmada Baydahbo, iyadoo qalabkaas uu ahaa mid muhiimad weyn ay ugu jirtay isbitaalka.

Degmada Baydhabo ayaa waxaa jooga shirkado badan kuwaasoo lacag ka qaata bulshada, laakiin aanay jirin waxq-abad muuqda oo ay u qabtaan, mid ka mid ah odayaasha maanta kasoo qayb-galay xafladda ayaa arday ka bartay Computer-ka iskuulka Marwaas  ku amaanay shirkadda bixisay abaalmarinnadan qaaliga ah iyo su’aalaha ay weydiiyeen ardayda dugsiga Marwaas.



Hiiraan Online, Baydhabo